Somali News

Gaadiidka isticmaala Muqdisho iyo Jowhar oo maalintii labaad hakad ku jira

Muqdisho-KNN-Gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo Muqdisho ayaa maalintii labaad hakiyay isticmaala wadadaasi,iyagoo ka cabanaya jidgooyooyin ay soo dhigteen rag hubeysan.

Shaqo joojintan ayaa waxa ay saameyn ku yeelatay dadweyne faro badan oo doonayay inay u kala safraan magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah degmooyinka gobolka Sh/dhexe.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobalka Shabeellada dhexe.

Wadada Isku xirta Balcad iyo Jowhar ayaa mudooyinkii uga dambeeyay waxaa ay aheyd mid aan amnigeeda la isku haleen Karin,waxaana mararka qaar ka dhacayay qaraxyo iyo weeraro toos ah oo ay mas’uuliyadooda sheegteen Al-Shabaab.