Somali News

Gaadiidkii Mudo ku xiyarnaa Deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha hooe oo la fasaxay.

Muqdisho-KNN-Gaadiidkii ku xayirnaa inta u dhexeysa Deegaanka carbiska iyo Duleedka Afgooye ayaa waxaa lagu soo waramayaa in dib loo fasaxay Gaadiidkaasi.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa KNN u Xaqiijiyay in la fasaxay gaadiidka, Waxaa ayna sheegeen in amarkan uu ka soo baxay Taliska Guud ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

Gadiidkan  oo ah kuwa xamulka qaada ayaa waxaa  ay ku xayirnaayeen Maalmihii dambe Gobalka Shabeelaha Hoose, islamarkaana waxaa ay ka cabanayeen lacago fara badan oo laga qaadayo Gaadiidka.

Shacabka ku safra wadada u dhexeya Degmooyinka Wanla-weyn iyo Afgooye ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ay walaac ka muujinayay dhac ay sheegeen in ay u geystaan Ciidamada ku labisan Dareeska ciidanka dowlada Federaalka Soomaaliya.