Meel ku dhaw isgoyska Ex-control Afgooye ayaa gaari cabdi bile ah oo ay leeyihiin ciidamada dowladda wuxuu ku dilay afar dhalinyaro ah oo ka mid ahaa darawalada kaxeeya bajaajta.
Dhalinyarada afarta ah ayaa la sheegay in iyaga iyo mootooyinkii ay wateen uu jiiray gaariga ay wateen ciidamada Booliska ah.
Ciidamada falka geystay ayaa la sheegay in ay ahaayeen Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad loo yaqaan.
Maanta ayay aheyd markii Askari isla Booliska Haramcad ka tirsan uu wade mooto bajaaj ku dilay isgoyska Ex-control Afgooye.


