Somali News

Gaari ay saar naayeen Dad rayid ah oo miino ay kula qaraxday, wadanka burkiisa faaso

Ugu yaraantii afar iyo tuban qof ayaa ku geeriyootey oo  todobo kamid ah ay caruur ahaayeen kadib markii gaari bas ah oo ay saaranaayeen ardey ay miino kula kacday woqooyiga burkiina Faso, sida laga soo xigtey ilowareedyo dhanka Dowladda ah.

wali majirto cid si dhab ah u sheegatey mauuliyadda qaraxaan ay ku geeroyoodeen, Daddkaani rayidka ah, waxaa kaloo jira in maalintii sabtida ahayad ee aan ka soo gudubney,  Gaari Bas ay saaranaayeen Dadweyne lagu rasaaeyey , woqooyiga Dalkaas, inkastoo aan la soo wariin wax khasara ah oo Daddkaasi soo gaarey

kasokow 14 qof ee geeriyootey, waxaa kaloojira in 19 qof oo kalena ay ku dhaawac meen qaraxa haleeley gaarigaan, wararka qaar waxaa ay tilmaameyaan 19 qof  ee dhaawacaga ah 3  kamid ah in xaaladdooda caafimaad ay aad u liidato

Wadanka Burkiina Faso waxaa ka dagaalama Jabhado kala duwan oo ay kamid yihiin, Dagaalamayaasha, Daacish iyo Alqaacidda, wxaa kaloo dalkaas kadagaalama, xooxo kale oo iyaguna Xukun doon ah, oo Dowladda ku kacsan

Dowladda kadhisan Burkiina Faaso  iyo xoogaga militeriga ayaa la tacaaleya inay xakameeyaan weerarada iyo miinooyiinka ay jabhaduhu aaseyaan, lkn taasi wali Dowladda iyo Ciidankeeda kuma aaney guuleysan, weeraraduna waxaa ay noqdeen kuwo joogta ha.