Somali News

Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo lagu laayay Balcad

Balcad-KNN-Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee Gobalka Shabeellada dhexe ayaa sheegaya in gaari ay saarnaayeen dad shacab ah lagu laayay duleedka degmadaasi.

Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay Tuulada Xaanshooleey oo u dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad, sida uu soo sheegayo weriyaha KNN ee Gobalka Shabeellada Dhexe.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi waxaa ay  ku darayaan in  darawalka gaariga uu diiday in uu joojiyo gaariga sidaasna rasaasta loogu furay.

Inta la xaqiijiyay 3 qof ayaa ku  geeriyootay, halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawaacan, kadib markii xalay  koox hubeysan ay rasaas ku fureen gaari ay dadkaasi la Saarnaayeen.

Ma jiraan weli wax war oo ka soo baxay maamulka degmada Balcad ee Gobalka Shabeellada dhexe.