Uncategorized

Gaari ay saarnaayeen Dad Shacab ah oo lagu rasaaseeyay Duleedka Magaalada Beladweyne.

Muqdisho-KNN-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baladweyne ee gobalka hiiraan ayaa sheegaya in dad Shacabka ah lagu rasaaseeyay duleedka Magaaldaasi.

Inta la ogyahay  hal qof ayaa ku dhintay,mid kalana waa uu ku dhaawacmay ka dib markii kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah oo maraayay gobolka Hiiraan.

Dadka degaanka ayaa KNN u sheegay in qofka dhintay ay aheyd haweeney saarneyd gaariga la rasaaseeyay oo ka  baxay Magaalada Muqdisho.

Falkaan ayaa ka dhacay Degaanka Caloola-Cad oo Magaalada Baladweyne u jirta qiyaastii 7 KM,  dadkii dhaawacmay ayaa loo qaaday Isbitaalka Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan si halkaasi looga baxnaaniyo xaaladooda caafimaad.

Maamulka magaalada Beladweyne ee gobalka Hiiraan ayaa ka hadlay waxaa ayna sheegeen in falkan uu  ka dhacay Duleedka magaalada Beladweyne ee gobalka hiiraan.

Ciidamada Amaanka ee Dowlada Soomaaliya aya waxaa la sheegay inay ku baxeen degaanka Caloola-Cad ee magaalada Baladweyne ee gobalka hiiraan.