Muqdisho-KNN-Goob joogayaal lahadlay radio kulmiye ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda soomaaliya oo saarnaa gaadiidka gaashaaman ay rasaaseeyeen xalay gaari Caasi ah oo siday dad shacab ah iyadoona falkaasi uu ka dhacay sida la sheegay inta u dhaxeysa isgoyska soos iyo waxar cadde ee degmada hiliwaa ee gobalkaan baanadir.
Goob joogayaasha ayaa intaa ku daray hadalkooda in gaariga la rasaaseeyay uu ka mid ahaa gawaari Aroos galbineysay hayeeshee lama oga sababta ka dambeysay arintaan.
Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay, halka Lix kalane ay ku dhaawacmeen iyadoona dadka dhaawacmay lagu sheegay 5 kamid ah inay ahaayeen dumar hayeeshee qofka lixaadna lagu sheegay inuu ahaa darawalka gaari.
Dadkii ku dhaawacmay gaariga la rasaaseeyay ayaa waxaa la dhigay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqsisho, halkaasi oo lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad.
Ciidamada amaanka ayaa gacanta ku dhigay mid kamid ah askartii xalay rasaasta hubiyay gaariga dadka shacabka ah saarnaa hayeeshee askari kale lagu sheegay in la toogtay kadib markii uu isku dayay inuu baxsado.
Ma jirto Ilaa hadda cid ka tirsan dowladda soomaaliya oo ka hadashay falka lagu rasaaseeyay gaariga ay saarnaayeen dadka shacabka ahaa ee galbinayay arooska.


