Somali News

Gaas ” Hadii aad i doorataan, waxaan soo celin doonaa dhulka Puntland ka maqan”.

Garowe-KNN-Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdi-wali Maxamed Cali (Gaas), ayaa maanta khudbad ka horjeeday Baarlamaanka maamulkaasi, isagoo weydiistay codka kalsoonida Baarlamaanka maamulkaas. Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in mudadii uu xilka haayay, inuu waxbadan u qabtay shacabka hadana uu doonayo inuu dhameestiro waxyaabaha dhiman.

            Cabdi-wali Gaas ayaa sheegay hadii markale loo doorto xilka Madaxweynaha inuu soo celi doono dhulka ka maqan Puntland, deegaanadaasi oo ay qabsadeen Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliland, si gaar ah waxa uu sheegay inuu soo celin ilaa gobolka Sool. Baarlamaanka ayuu sheegay in looga baahan yahay iney kala doortaan kuwa dib u dhiga Puntland iyo dadka socodsiin kara.

            Inta badan Shacabka reer Puntland ayaa dhowrayaa cidda ay Baarlamaanka maamulkaasi siin doonaan codka kalsoonida, shacabka ayaa kala taageersan xubnaha musharaxiinta ah ee gaaraya ilaa 21 Mudane, oo qaarkood xilal hore uga soo qabtay maamulka Puntland. Inta badan Musharaxiinta ayaa mid kasta ballan qaadayay inuu soo celin doono Dhulka maqan iyo degaanada ay joogaan Al-shabaab.