Uncategorized

Gaashaale C/naasir oo loo haysto dilkii taliye ku xigeenkii Ciidanka badda oo ka soo muuqday Maxkamada Ciidanka Qalabka sida.

Muqdisho-KNN-Wararka KNN ay ka heleyso xarunta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida  ee Soomaaliya ayaa sheegaya in xarunta Maxkada ay ka bilaabatay  dhageysiga Kiis dil ah oo la xariira dilkii dhawaan Magaalada Muqdisho loogu geystay Taliye Ku xigeenkii hore ee ciidanka badda Soomaaliya Saciid Aadan Yuusuf (Siciid Mariino).

Dilkaas ayaa waxaa geystay Gaashaale sare Cabdinaasir Xoosh oo ka tirsan ciidamada Badda Soomaaliya, islamarkaana Saciid Mariino ku dhex dilay Xafiiskisa bishii aan ka soo gudubnay ee sanadkaan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku sugan xarunta Maxkamadda kuwaa soo dhageysanaya sidda ay u socota Maxkamadeynta eedeysanaha.

Dhageysiga dacwada ayaa ka socota Xarunta Maxkada Ciidamada Qalabka sida, waxaana maxkamadeentaan ku soo beegmeysaa xili maanta ay u dabaal dagayaan ciidamada Badda sanad guuradii 53 ee ka soo wareegatay xiligii la aas aasay 1965.