Uncategorized

Gaawirada AMISOM oo qof shacab ah ku jiiray deegaanka Calamada.

Calamada-KNN-Kolanyo Gaadiid ah oo ay la socdeen Ciidanka Midowga Africa ee AMISOM Ayaa maanta qof shacab ah ku jiiray deegaanka Calamada ee ku yaalo duleedka Magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa Idaacadda kulmiye u sheegay in ay arkeen Labo ka mid ah gaadiidka AMISOM oo jiirsiiyay qof shacab ah oo laamiga geeskiisa taagnaa.

Qofka ay Ciidanka AMISOM Gawaaridooda dulmar siiyeen ayaa ahaa qof rag ah kaas oo ka mid ahaa dadka deegaanka Calamada.

Goob joogayaal ayaa radio kulmiye u sheegay in ay arkeen mid ka mid ah Gawaariada AMISOM oo si bareer ah u dulmar qof shacab oo laamiga geeskiisa taagnaa waxaana sidaas oo kale markiisa dul maray Gaari kale oo ka tirsan AMISOM.

Banaanbax xoog leh ayaa ka dhacay deegaanka Ceelasha biyaha kaas oo ilaa hada socdo lamana oga qasaaraha ka dhashay.

Dad weyne careysan ayaa la sheegay in ay qaarkood laamiga ku gooyeen Dhagxaan iyo Taayaro kuwaas oo dalbanaya in la soo qabto Ciidankii falkaasi ka danbeeyay oo goobta isaga baxsaday.