Muqdisho-KNN-Waxaa maanta Rag hubeysan ay Jaamacadda Soomaaliya gaar ahaan qeybta Baar Ubax ku dhex dileen gabar dhalinyaro aheyd oo ka tirsaneyd ardayda Jaamacaddaasi.
kooxaha hubeysan ayaa gudaha u galay Jaamacadda ,waxaa ayna durbadiiba tageen fasalka ay dhiganeysay gabadha, iyadoona halkaasi ay ku toogteen.
Gabadha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Aamina Xuseen Xasan.
Dilka Kadib waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya, iyadoona halkaasi ay baaritaano ka sameeyeen ciidamada.
Ilaa iyo hada lama oga sababta ka dambeysa in la dila gabadha.
Qaar ka mid ah ardayda wax ka barata Jaamacada ayaa KNN u sheegay in labo dhalin yaro oo afka u xiran ay gudaha u galeen jaamacada, kadibna ay dileen gabadha ardayda aheyd.
Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ku soo badanayay dilalka qorsheysan ee loo geysto dadka rayidka ah iyo askarta ka tirsan dowlada Soomaaliya.