Uncategorized

Gabar kufsi iyo dil la isugu daray Muqdisho

Muqdisho-KNN-Gabar dhalinyaro ah aya maanta lagu kufsaday Degmadda Shibis ee Magaaladda Muqdisho, kadibna waa la dilay, sida Dadka deegaanku ay Idaacadda kulmiye u sheegeen.

Gabadha oo Da’deedu qiyaas ahaan u dhexeeyso 15 illaa 16 ayaa lasheegay in ay u shaqeeyneeysay Aabe iyo Labo Wiil oo uu dhlay oo degan Degmadda Shibis ee Magaaladda Muqdisho.

Goob-jooge yaal la hadlay Idaacadda kulmiye ayaa sheegay in saaka Gabadha yar ay reerka u karisay Quraac, iyada oo isu diyaarineeysa karinta Qadadana ay kufsi kala kulantay qof la tuhunsanyahay in uu ka mid yahay Qoyska ay u shaqeeyneeysay.

“Aabihii reerka ayaa yimid guriga waxyar ka hor Salaaddii Duhur, wuxuuna arkay gabadhii oo Meeyd ah” ayuu Radio kulmiye u sheegay goob-jooge diiday in magaciisa aan sheego.

Dilka Gabadha waxaa loo isticmaalay Middi, sida uu goob jooguhu sheegay.

Dhawaan ayaa gabadha laga keenay Baadiye, waxaana loo keenay qoyska ay u shaqeeyneeysay oo la sheegay in ay Qaraabo dhow ahayeen.

Gudoomiyaha Degmadda Shibis iyo Booliska ayaa tagay Guriga uu Dilka iyo Kufsigu ka dhacay, waxaana laqaaday meeydkii gabadha, Aabihii Qoyska iyo Labadiisii wiil, waxa loo qaaday Xarunta Dambi barista ee CID ee Magaaladda Muqdisho.

Masuuliyiinta Booliiska iyo Degmadda wali kama aysan  hadlin dhacdadaan.

Kufsiga ayaa  ku badan Soomaaliya, laakiin waxaa yar Dhibaneyaasha kufsiga dilka loogu daro.