Somali News

Gabar lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo-KNN-Xaafadda Garsoor ee Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa xalay lagu dilay Gabar ka soo baxday Masaajid Saaldii Taraawiixda ka dib.

Koox ku hubeysan Tooreeyo ayaa la sheegay in gabadhaasi ay kaga mudeen dhuunta waxaana halkaasi ka soo gaaray dhaawac ay u geeriyootay.

Gabadha xalay lagu dilay magaalada Gaalkacyo, waxaa lagu Magacaabi jiray Nimco Cumar Shire, waxeyna u geeriyootay dhaawac halis ah oo ka soo gaaray Toorey looga muday dhuunta, waxeyna ku geeriyootay Isbitaal ku yaala Waqooyiga Gaalkacyo.

Kooxdii geysatay falkaasi lagu dilay marxuum Nimco ayaa goobta iskaga baxsatay, dilka ka dib ayaa la sheegay in Ciidamada Booliiska maamulka Puntland ay halkaasi baaritaano ka sameeyeen, balse lama sheegin cid loo soo qabtay falkaas.