Somali News

Gabar Soomaaliyeed oo xaflad dhalasho ah Gaalkacyo ugu dhigtay Jilaa Ajanebi ah

Gaalkacyo-KNN-Miski Saciid Cabdi oo ka mid ah gabdhaha Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa xaflad dhalasho ah u dhigtay jilaaga filimaanta Hindiga ah ee Shaarukhan.

Miski ayaa xafladaas dhigtay xalay, waxaana loogu dabaal degay dhalashada Shaarukhan oo 55-sano jirsaday.

Miski Saciid oo la hadashay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in ilaa yaraanteedii ay taageero weyn u aheyd jilaaga reer Hindiya ee Shaarukhan, waxayna sheegtay inay aad uga hesho filimaanta uu wax ka jilo.

Weriyaha Idaacadda Kulmiye Yoonis Duraan Cali ayaa warbixintan nooga diyaariyey.