Uncategorized

Gabdhaha ku jira Aqalka sare oo maanta booqday Xabsiga dhexe ee Xamar

Muqdisho-KNN-Gabdhaha ku jira golaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta booqday Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Xabsiga dhexe ee Xamar.

Sanataradaasi ayaa waxay la kulmeen taliyaha guud ee ciidanka Asluuubta Soomaaliyeed Sarreeye Guud  Bashiir Maxamed Jaamac  oo xafiiskiisa uu ku soo dhaweeyay,  waxa uuna uu  warbixin ka siiyey shaqada ka socta taliska.

Ujeedka  booqashada shaqo ee ay ku yimadeen xildhibaanadan ka tirsan Aqalka sare ayaa eheyd siddii ay u oggaan lahaayeen gabdhaha ku jira ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, kuwaas ka mid noqanaya Ciidamada  xaslinta Caasimada.

Sidoo kale waxaay boqdeen qeybaha kala duban ee ay  ka koobantahay warshada Xabsiga dhexe ee Xamar,  iyaggoo u riyaaqay howlaha ka socda warshada iyo dadaalada ka socda taliska.

Taliye ku xiggeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guuto Cabdikariim Cali Afrax, ayaa u mahad celiyay booqashada ay ku yimadeen  talisa Ciidanka Asluubta Sanatarada Aqalka sare ka tirsan, waxaan uu sheegay in ay sii labojibaari doonaan howlaha shaqo ee Qaranka ay u hayaan.

Sanatar Zamzam  Daahir Maxamuud  Xoghayaha Ururka ay ku mideysan yihiin Haweenka Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare, ayaa faah faahin ka bixisay ujeedka booqashadooda.