Somali News

Galgaduud:-Halista ka dhalan karta waxyaabaha qarxa oo laga Digay.

Muqdisho-KNN-Maamulka deegaanka dhabad ee  Gobolka Galguduud ayaa ka digay halista ay bulshada deegaanka ku hayaan haraadiga walxaha qarxa,  iyagoo hay’adaha ku shaqada leh Miina-baarista ugu baaqay inay wax ka qabtaan arrintaasi.


Guddoomiyaha deegaanka dhabad  aadan Gabi  ayaa  sheegay in bulshada deegaanka dhabad  ay halis daran ku hayaan haraadiga walxa qarxa ee daadsan deegaano  hoos yimaada deegaanka dhabad , kuwaas  oo ka haray dagaalladii ka dhacay gobolka,  Isagoona ka codsadey hay’adaha caalamiga ah ee qaabilsan
Miino-baarista in ay wax ka qabtaan halista ka dhalan karta  walxa qarxa.


Gobolka Galgaduud ayaa ka mid ah meelaha uga daran oo  ay ka dhaceen dagaalada sokeeyey,  waxaana jirta miinooyin fara badan oo ku aaasan deegaaano ka tirsan Gobolka galgaduuud