Uncategorized

Galmudug iyo Ahlusuna oo Dhameystiray Hashiis koodii.

Dhuusamareeb-KNN-Waxaa goor dhaw Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug lagu soo gaba gabeeyay shirkii lagu dhameystiraayay hashiiskii ay horay u wada gaareen Ahlusuna iyo Galmudug.

Shirkaan Waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Dowlada fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Wasiiro, Xildhibaano Ka tirsan Labada aqal ee Dalka, Madaxda Maamul Goboleedyada, sida, Madaxweynaha Puntland, Madaxweynaha Koofur Galbeed, Madaxweynaha Hirshabeelle, in kastoo Madaxweynaha Jubalan uu ka maqanay Shirkaan.

Waxaa kaloo shirkaan qeyb ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho iyo Xubno Kasocday Beesha Caalamka oo ay ugu horeeyaan Micheal Keating, Guddoomiyaha Midowga Afrika Ambassador Francisco Madeira, Wakiilka IGAD iyo xubno kale,

Dhamaan Mas`uuliyiitii ka qeyb gashay shirkaan ayaa dhamaantood waxay soo dhaweeyeen hashiiskaan maanta lagu dhameystiray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug oo ay ku midoobeen Galmudug iyo Ahlusuna.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo maanta shirkaas ka hadlay ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la iska cafiyo wixii horey u dhacay, la iskuna calool fiyoowaado, si horey loogu sii socdo.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Soomaaliya Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa dhankiisa sheegay in maanta ay tahay maalin weyn oo lagu riyoonayay in ay dhacdo, wuxuuna ku tilmaamay guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Gobolada dhexe.

Xubnihii ka socday Beesha Caalamka oo goob jooga ahaa ayaa waxay dhamaantood ay sheegeen in soo dhaweynayaan midowgaan oo ay ku midoobeen Galmudug iyo Ahlusuna, waxaa kaloo intaas ay ku dareen in ay lashaqeyn doonaan Maamulka Galmudug.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo soo xiray Munaasabadda ayaa u mahadceliyay dhinacyadii howshaan ka soo shaqeeyay, wuxuuna tilmaamay in howsha hada ay tahay bilow.

Hadii aan dib u laabano weli waxaa jirta tabasho ay qabaan waxgaradka reer Cadaado, oo aan laga gaarin xal muuqda, iyada oo ay xusid mudan tahay in maanta magaaladaasi uu ka dhacay Banaanbax, balse waxaa socda dadaalo lagu qancinayo Odayaasha.