Uncategorized

Galmudug iyo Ahlusunna oo maanta dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wada Galgaduud.

Cadaado-KNN-Ciidamo badan oo ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa maalmihii la soo dhaafay laga keenay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug waxaana Fariisan ay ka sameesteen Duleedka deegaanka Godin-labe halka qaar kalane la geeyay degmada Cadaado ee Gobalka Galgaduud.

Shacabka ku nool Godin-labe ayaa KNN u sheegay in Saacadihii la soo dhaafay Galmudug ay ciidamo iyo gaadiid dagaal ay geysay duleedka deegaanka Godin-labe taas oo baqdin badan ku abuurtay Shacabka deegaanka.

Dhinaca Kale Ahlusunna ayaa wado diyaar garow ku aadan in ay iska difaacdo hadii uu weerar ka yimaado dhinaca Galmudug waxayna dhaq dhaqaaq ciidan ay ka wadaan goobaha ay labada dhinaca is hor fadhiyaan.

Galmudug ayaa la sheegay in ay diyaarisay Ciidamadii ay ku qabsan laheyd degmada dhuusamareeb ee Xarunta Gobalka Galagduud sidoo kalane ah Xarunta Galmudug halka dhinaca kalane ay wadaan abaabul dagaal oo ka dhan ah Galmudug.

Guud ahaan Gobalka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa laga hadal haayaa dagaalada ku soo laab laabtay meelo ka mid ah waxaana gobalka si weyn looga dareemaya Xiisad iyo abaabulka labada dhinaca ay wadaan.