Somali News

Galmudug iyo AMISOM oo iska kaashanaya la dagalanka Al-Shabaab

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Madaxa Midowga Africa ee Amisom Francisco Madera, labada masuul ayaa kawada hadlay Xiriirka Amisom iyo dowlad gobolleedka Galmudug  iyo waliba qodobadii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb 3 ee lagu jiheeyay doorashadda Soomaaliya.

Madaxweyne Ciid ayaa masuuliyiinta Amisom kala hadlay sidii loo xoreyn lahaa deegaanadda galmudug ee ay haystaan ururka Xagjirka ah loogana garabsiin lahaa Dowlad goboleedka Galmudug in ay gacanta ku dhigaan amaanka guud ee Galmudug.