Somali News

Galmudug iyo DF oo wadajir u soo saaray hanaanka loo qeysanayo golaha deegaanka Dhuusamareeb

Dhuusamareeb-KNN-Arrimaha Guddaha Federaalka iyo Galmudug ayaa qoraal ka soo saaray sida loo qayb-sanayo kuraasta xubnaha golaha deegaanka ee magaalada Dhuusamareeb, kadib kulan ay xalay la yeesheen waxgaradka caasimada Galmudug.

Waxaa ugu horeyn qoraalka waxaa lagu sheegay in la kordhiyay tirada guud ee golaha deegaanka, taas oo horay u aheyd 27-kursi ayaa lagu daray 2-xubnood, waxayna tirada guud ee golaha noqoneysaa 29 xubnood.

20 ka mid ah kuraastan waxaa loo qoondeeyey in loo qeybiyo beesha degta Dhuusamareeb iyo Gurceel, halka 9 kale loo qeybinayo beelaha kale ee wax ka dega magaalada.

Go’aankan ayaa dhigaya in boosaska guddoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka Dhuusamareeb, aan lagula tartami karin jufooyinka ay hada metelaan mas’uuliyiinta ku fadhiya kuraastaas.