Gaalkacyo-KNN-Madaxda Maamulada Galmuudg iyo Puntland ayaa wada dadaalo lagu dhisaayo Nabad galyada Gaalkacyo waxaana aad loo qabalabeeyay Ciidamada Isku dhafka ah ee dhawaan loo sameeyay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug.
C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) Madaxweyne ku xigaanka maamulka Puntland ayaa sheegay gaba gabo in uu marayo qalabeynta Ciidamada isku dhafka ah ee loo sameeyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Waxa uu sheegay Ciidamada isku dhafka in hada lagu wareejiyay Gawaari ay ku shaqeeyaan, sidoo kalena ay bilaabeen shaqadoodii rasmiga aheyd ee nabadeynta magaalada Gaalkacyo.
Sidoo kale C/xakiin Camey ayaa labada maamul iyo labada shacab ee Puntland iyo Galmudug ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada loo sameeyay in ay ka shaqeeyaan nabada Gaalkacyo, si aysan u soo laaban colaad dambe.