Somali News

Galmudug oo abaabul dagaal ka wado Galgaduud.

Dhuusamareeb-KNN-Maamulka Galmudug ayaa diyaariyay ciidamo loogu talo galay howlgalada ka dhanka
ah dagaalamayaasha Al-shabaab ee jooga deegaanada maamulkaasi.

Saraakiisha Galmudug ayaa sheegay inay weerar culus ay ku qaadi doonaan Al-shabaab, islamarkaana deegaanada Galmudug ay ka saari doonaan.

Qorshahan abaabulka ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Dhuusa Mareeb ee Gobalka Galgaduud,Sidaasi waxaa sheegtay wasaarada amniga Galmudug.

Shalay ayay aheyd markii Galmudug ay ciidamadii ugu badnaa ay ku soo bandhigtay Bartamaha Magaalada Dhuusa Mareeb.