Somali News

Galmudug oo amar dul dhigtay shirkadaha diyaaradaha ee ka howlgala Deegaanada Maamulkaasi.

Dhuusa Mareeb-KNN-War qoraal ah oo ka soo baxay Maamulka Galmudug ayaa waxaa amar dul dhigay Shirkadaha Diyaaradaha ee ka howlgala deegaanada Maamulkaasi.

Galmudug ayaa sheegtay in shirkadaha diyaaradaha ee ka howgala deegaanada Galmudug aysan kasoo dejin karin wafdi ka socda Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa imaanayo xili uu jiro Khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Maamulka Galmudug iyo Dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Halkan Hoose Akhriso