Somali News

Galmudug oo barakacayaal guryo ugu dhiseysa Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaa maanta laga hirgeliyay mashruuc 100 guri looga dhisayo dad barakacayaal ah, oo ku sugan magaaladaas.

Mushruuca dadkaan loogu dhisayo Guryo ayaa qeyb ka ah mashruuca xalka waara ee ee dib u dejinta loogu sameenayo qoysas barakacayaal ah.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Mudug kan degmada Gaalkacyo qeybta Galmudug oo ay wehlinayeen Saraakiil ka socotay Hay’adaha UNHCR iyo NNRC ayaa magaalada Gaalkacyo maanta si rasmi ah ugu dhagax dhigay mashruucaan.

Duqa degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Shiikh Xasan oo warbaahinta kula hadlay goobta laga hirgeliyay mashruuca ayaa sheegay in dhulka maanta la dhagax dhigay dhismihiisa ay bixisay dowladda hoose, isagoo xusay in dhulka uu yahay 800 boqol oo lagu dhuftay 800 boqol oo kale, kaas oo loogu deeqay dadka barakacayaasha ah.

“Maanta waan ku faraxsan nahay in mashruucaan la dhagax dhigo, dhulkiina ay dowladda hoose bixiso, 800 boqol oo lagu dhuftay 800 boqol ee aan kugu deeqnay dadka barakacayaasha ah, haduu illaah yiraahdo loo dhiso loona diyaariyo.” ayuu yiri Duqa degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Sidoo kale, wuxuu carabka ku dhuftay inuu jiro dhulal kale oo ay bixin doonaan balse kan kaliya uusan ahayn

Saraakiishii ka socotay Hay’adaha UNHCR iyo NNRC ayaa dhankooda sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in mashruuca xalka waara uu ka bilowdo magaalada Gaalkacyo, iyagoo xusay in mashruucaan uu ka kooban yahay boqol guri iyo boqol musqulood.

Ugu dambeyn, waxay sheegeen in Hay’ada NNRC ay ka caawisay Galmudug qorsheynta dhulka, halka Hay’adda UNHCR ay iyadana ay ka caawisay dhanka dhaqaalaha.