Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in ciidamada Daraawiishta Galmudug oo kaashanaya ciidamada xoogga dalka ay howlgallo amni xaqiijin ah ka wadaan deegaanka Bacaadweyne iyo deegaananda kale ee ay ciidamada la wareegeen kadib markii halkaas uu dagaal ku dhex maray AL-shabaab iyo ciidamada xoogga dalka.
Wasiir Axmed Shire ayaa sheegay in xalayay si nabadgelyo ah ciidamada deegaannii ay shalay kala wareegeen Al-Shabaab, ku joogaan isagoo shacabka ugu baaqay iney ciidamada xoogga kala shaqeeyaan sugida amniga.
Axmed Shire ayaa tilmaamay in Howlgalkii shalay uu ahaa mid qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Galmudug, iyaga oo ka bilaabay deegaanka Bacaadweyne iyo deegaanno kale oo ku xeeran, halkaasi oo ay ciidamada si rasmi ah ula wareegeen gacan ku haynteeda.
Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa beeniyay wararka sheegaya in Al-Shabaab ay ciidamada xoogga dalka kusoo qaadeen dagaal rogaal celis ah, isagoo xusay in ciidamada ay halkaas howlgallo ka wadaan kaas oo lagu xaqiijinaayo amniga deegaanadii lagu dagaalamay islamarkaana ay degan tahay.


