Uncategorized

Galmudug oo beenisay in ay Xariirka u jartay Dowladda Soomaaliya.

Cadaado-KNN-Madaxtooyada Maamulka Galmudug ee Magaalada Cadaado ayaa soo saartay War-saxaafadeed ay ku beenineyso in ay Xariirka u jartay Dowladda Soomaaliya kadib Markii maanta Baraha Bulshada lagu baahiyay Warqad la sheegay in ay ka soo baxday Galmudug oo xariirka loogu jaray Dowladda dhexe ee Soomaaliya.

War-Saxafaadeedka uu ku Saxiixnaa Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu Sheegay in aysan Warqadda Wareegeysa Baraha Bulshada aysan Xaqiiqo aheyn oo aysan ka soo bixin Galmudug balse looga been Abuurtay iyagoo Cadeeyay in aysan Xariirka u jari karin Dowladda Soomaaliya.

Halkaan Riix si aad u aqrisato Warsaxaafadeedka