Uncategorized

Galmudug oo cambaareysay Qaraxii maanta ka dhacay Gaalkacyo

Dhuusa-mareeb-KNN-Maamulka Galmudug ayaa Cambaareeyay cid kasta oo ka dambeysay Qarax ismiidaamin ahaa oo maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Qaraxaasi  ismiidaamin ah ayaa loo adeegsaday Gaari nuuca loo yaqaano Borobox, waxaa fuliyay qof naftii hura ah oo la beegsaday Qaraxa goob ay ku sugnaayeen saraakiil ciidan.

Inta la xaqiijiyay waxaa geeriyootay 6 qof oo kala ah laba sarkaal iyo afar Askari oo ilaalo u`ahaa Saraakiisha dhimatay.

War ka soo baxay maamulka Galmudug ayaa lagu yiri “falkaan foosha xun ee lagu dilay Saraakiil ka tirsan ciidanka xooga dalka, gaar ahaan Ururka Guul-wade ee dagan gobolka Mudug, waxaan codsaneynaa in Cadaaladda la hor keeno Cid kasta oo falkaan raad ku yeelata laguna sameeyo baaritaan dhab ah”.

Maamulka Galmudug ayaa ka tacsiyadeeyay Saraakiishii maanta ku geeriyootay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

“Waxaan geeridaan xanuunka badan iyo murugadeeda la qeybsaneynaa dhamaan Eheladii iyo Ciidmada xooga dalka Soomaaliyeed, waxaana Allaah uga baryeynaa in uu Naxariisto”