Muqdisho-KNN-Maamulka Galmuduga aya waxaa uu sheegay in ciidamo uu geynayo Deegaanka kaxandhaale ee Gobalka Galgaduud, kadib markii ay halkaasi ku dagaalameen labo maleeshiyo beeleed.
Wasiir ku xigeenka amniga Galmudug Mahad Xasan Maxamed ayaa ku baaqay in colaada la joojiyo, deegaankana lagu wado in ciidan ka tirsan Galmudug uu gaaro.
Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray dhinacyadii dagaalamay.
Xiisad dagaal ayaa ka jirta deegaanka, iyadoona laga cabsi qabo dagaal uu ka dhaco deegaanka Kaxandhaale ee Gobalka Galgaduud.
Dhawaan ay aheyd markii maleeshiyo beeleed ay ku dagaalameen Deegaan hoostaga Degmada Balanbale ee Gobalka Galgaduud.


