Dhuusa mareeb-KNN-Warar ay heshay KNN ayaa sheegaya in Maamulka Galmudug uu amar ku bixiyay shacabka ka soo jeeda deegaanada Koofur Galbeed ay si deg deg ah ugu baxaan deegaanada ay ka tirsan Gobalka Galgaduud.
Magaalooyinka lagu amray in ay ka baxaan dadkaasi ayaa waxaa ka mid Guriceel iyo Dhuusa Mareeb ee Gobalka Galgaduud.
Saraakiil ka tirsan madaxtooyada Dhuusa Mareeb ayaa KNN u sheegay in amarkan uu ka soo baxay Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.
Waxaana dadkan lagu amaray in mudo 2 cisho ah ay si deg deg ah ugu baxaan Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusa MAreeb ee Gobalka Galgaduud.
Sababta ugu weyn ee Galmudug dadkan ka soo jeeda Koofur Galbeed deegaaada kaga saaraysa ayaa lagu sheegay in ay tahay kadib markii ay sheegeen in Ninkii dhawaan isku qarxin rabay munaasabad ka ka dhacaysay Magaalada Guriceel uu ka soo jeeday deegaaanada koofur galbeed Soomaaliya.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ganacsatada ka soo jeeda Deegaanada Koofur Galbeed ay Shalay kulan la qaateen Saraakiisha Nabad sugida ee Maamulka Galmudug, waxaana ganacsatada lagu amray inay ka baxaan Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusa Mareeb ee Gobalka Galgaduud.
Go’aankan ka soo baxay Maamulka Galmudug ayaa waxaa uu saameyn ku yeelan karaa shacabka ka soo jeeda deegaanada Galmudug ee ka sugan Magaalooyin uu maamulo Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.