Somali News

Galmudug oo gacanta ku dhigtay Nin Xaaskiisa ku dilay G/Galgaduud

Cadaado-KNN-Wararka ka imaanaya degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamada Booliiska maamulka Galmudug ay gacanta ku dhigeyn Nin Xaaskiisa ku dilay degmada Balanbale.

Taliyaha Ciidamada Booliiska ee degmada Balanbale ee maamulka Galmudug Cabdi Muuse Maxamed oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa sheegay in Ninkaas Xaaskiisa dilay madaxa loogu jiray islamarkaana uu Xaaskiisa ku dhuftay ilaa iyo Sedax xabo oo Rasaas ah halkaasi oo ay ku dhimatay Haweeneydii uu qabay.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay wadaan Su`aalo ay weydiinayaan Ninka Xaaskiisa dilay iyo Qoyskiisaba.