Somali News

Galmudug oo iclaamisay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo ay la socdeen  Ciidamada qeybta 21aad ayaa waxaa ay kulamo bilaabeen deegaanka degaanka Bulacle oo hoos taga Degmada Ceelbuur, maadaama halkaasi ay ku sugan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday  in maalmaha soo socda ay bilaabin doonaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab si looga saaro degaananda ay weli u sugan yihiin ee ka tirsan Galmudug

Cali Daahir Ciid Madaxweyne kuxigeenka dowladd Galmudug ayaa isna dhankiisa sheegay in uu bilaawday dagaal ka dhan ah Al-Shabaab ee looga saarayo degaannada ay kaga sugan yihiin deegaanada maamulka Galmudug.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in dagaalka ay ka taageeri doonaan xubnaha beesha caalamka iyo dowladda federaalka Soomaaliya.