Somali News

Galmudug oo ka baxday Shirka looga hadlayay Arimaha Diinta oo ka socda Muqdisho

Muqdisho-KNN-Wasiirka Arimaha Diinta iyo Awqaafta ee Maamulka Galmudug Cabdishakuur Macalim Ciise ayaa Idaacadda Kulmiyo u sheegay in ay ka baxeen Shir wayne Qaran oo arimaha diinta looga hadlayo oo ka socda magaalada Muqdisho.

Shirkaan ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka furay Madaxweynaha soomaaliya waxaana soo qaban qaabiyay Wasaaradda Arimaha diinta iyo Awqaafta Soomaaliya.

Galmudug ayaa shirka ka baxday kadib markii lagu casuumay Wasiiro katirsan Xukuumad uu Cadaado kaga dhawaaqay Axmed Baasto oo sheegtay Madaxweynaha Galmudug.

Wasiir Cabdishakuur Albadri ayaa KNN u sheegay in tabashadooda ay la wadaagayn Dowladda Soomaaliya balse ay ka meer meertay jawaabta Tabashada Galmudug.

Hore ayaa sidaan oo kale dhowr jeer Galmudug cabasho uga muujisay Shirar lagu qabtay magaalada Muqdisho