Somali News

Galmudug oo ka hadashay hoobiyaal xalay lagu garaacay Dhuusamareeb

Ciidanka Xoogga dalka ayaa howgal qorsheysan oo ay xalay ay  fuliyeen waxa ay nolosha kusoo qabteen  dagaalameyaal  ka tirsan  Al-shabaab oo xalay  in Hoobiyaal ku weeraray magaalada dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug.

Wasiirka Amniga dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo Taliyeyaasha howlgalka hoggaaminayay ayaa  warbaahinta u xaqiijiyay in howlgalkaas lagu dilay in ka badan  10 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay Gaadiidkii ay wateen, Hoobiyihii iyo Hub fudud oo ay u adeegsanayeen weerarka.

Wasiirka Fiqi ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in ciidamada xoogga ay markasto u diyaarsan yihiin ka hortaga weerarada ay soo qaadaan Al-Shabaab