Uncategorized

Galmudug oo Ku baaqday in gurmad deg deg ah lala gaaro shacabka ku nool Magaalada Baladweyne.

Muqdisho-KNN-Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan Madaxa Xukuumadda Galmudug oo warbaahinta kula hadlay dhuusa mareeb  ayaa sheegay in Galmudug ay door muhiim ah ka qaadan doonto Gurmadka loo Sameynayo dadka ka barakacaya fatahaada uu sameynayo Webiga Shabelle.

Sidoo kale Madaxda Xukuumada Galmudug ayaa waxaa  uu Sheegay in maamulka Galmudug uu hawadiisa u oggolyahay in gargaar loo marsiiyo Shacabka ku nool  Gobolka Hiiraan gaar ahaan Magaalada baladweyne  oo fataahadaha wabiga ay sameyn ku yeesheen.

Waxaa uu Tilmaamay Sheekh Maxamed Shaakir in Garoomadda Galmudug ay  u furi doonaan Gargaarka loo waddo gobalka  Hiiraan, Waxaa uu Sheegay in  Galmudug ay gaarsiin doonto Gargaarkaasi shacabka saameynta ku yeeshay fataahada webiga Shabelle ee Mara Magaalada baladweyne ee Gobalka hiiran,kadib markii ay biyo badan Fariisteen Garoonkii weynaa ee Magaalada Beledweyne ee gobalka hiiraan

Magaalada baladweyne ee gobalka Hiiran aya Xiligan Waxaa ka barakacay 120,000 oo  Qof kuwaas oo ku dhibaateysan Hareeraha Magaalada Beledweyne,Waxaana goobahaasi ku haysta nolol Adag,Dadkuna Waxaa ay codsanayeen In gargaar loo fidiyo