Gaalkacyo-KNN-Axmed Deeq Cabdi Falko Wasiirka Wasaarada Waxbarashada maamulka Galmudug oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu ka hadlay cabashada ka soo yeertay ardayda Soomaaliyeed, kaasi oo ku aadan in dowladda dhexe ay joojisay imtixaankii ay qaadaysay.
Wasiirka Waxbarashada ayaa ku baaqay in shir deg deg ah ay isku yimaadan wasaarada Waxbarashada soomaaliya iyo kuwa dowlada goboleedyada si loo badbaadiyo ayuu dhahay mustaqabalka 30 kun oo arday..
Hadalkaan ayaa imaanaya xilli ardyda sanadkaan u fariistay imtixaanka shahaadiga ah ay dhigeen dibad baxa ay kaga soo horjedan go’aanka wsiir Goodax.