Somali News

Galmudug oo maanta dooorasho ku qabtay Cadaado

Wasaaradda arrimaha gudaha,Federaalka iyo Dib-U-heshiisiinta Dowlad Goboleedka Galmudug, ayaa maanta qabtay doorashada kuraasta 12 xubnood oo kamid Noqonaya Xildhibaannada Golaha deegaanka ee Degmada cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Doraashadaan oo u dhacday qaab cod qarsoodi ah ayaa waxaa kusoo baxay 12 xubnood oo ah wajiga koowaad ee doorashada Golaha Deegaanka ee Degmada Cadaado.

Waxaa kasoo qayb galay doorashada wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha Galmudug, Cabdi Jaamac Maxamed (Cabdi waayeel), Agaasimaga guud ee Wasaaradda arrimaha Gudaha, maamulka Degmada, Xildhibaannada Galmudug, xubno ka socday hay’adaha FCA, EISA, iyo marti sharaf kale.

Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug ayaa u mahadceliyay Guddiga Farsamada doorashada Gollaha Deegaanka, Bulshada Cadaado, maamulka Degmada.

Sidoo kale wuxuu wasiirku hambalyo u diray xubnaha cusub ee ku guulaystay ka mid noqoshada Golaha Deegaanka ee Degmada Cadaado.