Somali News

Galmudug oo shaacisay xiliga ay magacaabayso guddigga doorashada.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in khadka telefoonka ay ku wada-hadleen Ra’iisul Wasaare, Rooble iyo Madaxweynaha maamulka GalMudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), halkaas oo uu Qoor-Qoor ku xaqiijiyay inuu soo gudbinayo liiska guddiga doorashada.

Maxamed Ibraahim Mucalimuu oo farriintan soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa waxa uu intaasi ku daray “Waxaa goor la filayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye inuu soo gudbiyo liiska guddiga doorashooyinka Dowad Goboleedka Galmudug ee wax ka badalka lagu sameeyay.”

Dhanka kale wasiirka Warfaafinta ee maamulka Galmudug Axmed Shire Falagle oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ah ee VOA-da ayaa sheegay in ay maanta oo khamiis ah ay soo gudbin doonaan liiska xubnaha Galmudug kaga mid noqonaya guddiga doorashooyinka.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa  ka codsaday madaxweynaha GalMudug inuu soo gudbiyo guddigaasi kol sii horeysay.

Waxaa hore liiska guddiyada doorashada u soo gudbiyay maamullada kale ee Soomaaliya.

Doorashada Soomaaliya ayaa dib uga dhacday marar kala duwan xilligii loogu tala galay inay ku qabsoonto, kaddib markii ay isku fahmi waayeen qeybaha kala duwan ee ay khuseyso.