Somali News

Galmudug oo sheegtay in gacanta lagu dhigay nin miino ku aasayay Dhuusamareeb

Ciidamada Nabad Sugida Galmudug gaar ahaan kuwa ka Howlgalla Caasimadda Galmudug Ee Magaalada Dhusamareeb ayaa waxaa la sheegay in howlgal ay sameeyeen ay ku fashiliyeen qarax lagu Aasayay qeybo  kamid ah Magaalada Dhuusmareeb.

War qoraal ah oo ka soo baxay  Wasaaradda Amniga ee maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxaan oo ahaa Miino la qabtay Nin ku Aasayay hareeraha wadao dhex-marta Magaalada Dhuusamareeb, gaar ahaan Suuqa jaadka lagu iibiyo sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen Ninkii miinada aasayay.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay  in qaar kamid ah Haweenka jaadka iibinayay ay arkeen Ninka miinada Aasayay sidaasina ay Ciidamada ugu wargeliyeen, waxaana Ninka la qabtay la geeyay xarun Ciidamada Nabadsugida ku leeyihiin Magaalada Dhuusamareeb.