Somali News

Galmudug oo sheegtay in uu fashilmay shirkii Garoowe, War-saxaafadeed

Dhusa mareeb-KNN-War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa lagu yiri”

“Dowlad Goboleedka Galmudug wuxuu niyad jab ka muujinayaa fashilka ku yimid shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo kuwa Federaalka uga socanayay 5-10 bishan Magaalada Garoowe.

•Galmudug waxay dadaal kasta ku bixisay in shirka Garoowe guuleysto iyadoo mar walba ay ka go’an tahay xeerinta danta shacabka oo laga horumarinayo danaha gaarka ah balse DFS ayaa qaaday tallaabooyin xagaldaacin ku ah shirka iyo ajendayaashii loo madlanaa sida; shirciga Doorashooyinka, Batroolka iyo arrimaha dastuurka.

•DFS waxay diiday inay ixtiraamto heshiiskii Jabuuti oo ay Galmudug iyo maamulkii Gobolada dhexe ku hesheeyeen kaasoo ay wax ka saxiixeen, dastuurkii lagu heshiiyana ay tixgalin waayeen iyadoo wali faragalin ku haya arimaha Galmudug”.

Halkaan ka Akhriso War-saxaafadeedka:-