Uncategorized

Akhriso-:Galmudug oo Taageertay Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Cadaado-KNN-War-qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada KMG ah ee magaalada Cadaado ayaa looga hadlay Mowqifka Galmudug ee ku aadan khilaafka u dhaxeeya Wadamada Khaliijka kaas oo cuna-qabateyn lagu saaray Dalka yar ee Qatar.

Galmudug ayaa sheegtay in ay taageereyso Isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga oo ay ka soo horjeedo Dowladda Qatar waxayna si cad u taageertay Cuna-qabateynta Qatar la giliyay.

Qoraalka ka soo baxay Galmudug oo ku qornaa Luqadda English ayaa lagu sheegay in aysan Dowladda Soomaaliya wax la tashi ah la yeelan maamulka Galmudug markii ay qaadaneysay go’aanka ay meel dhexe isaga taagtay Xiisadda Carabta gaar ahaan Khiliijka.

“Annaga mowqifkeyna waa cadyahay waxaan raacsanahay Sacuudiga iyo Imaaraad-ka waana dalal aan leenahay xariir soo jireen  ah Soomaaliyana ka caawiya Arimaha gar-gaarka Ganacsiga iyo Siyaasadda mana muuqato sabab aan dhex dhexaad u noqono” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Galmudug.

Wasiirka warfaafinta Galmudug ayaa Idaacadda kulmiye u sheegay in arintaan muddo ka doodayeen Maamulka Galmudug Islamarkaana ay kala hadleen Dowladda Soomaaliya markii xal laga waayayna ay go’aankaan qaateen.

Galmudug ayaa ah Maamul gobaleedkii 5-aad ee go’aankaan qaato ama la safto Isbaheysiga Sacuudiga oo lacag badan ku bixinaya sidii ay u kala dhan taali lahaayeen Siyaasadda Soomaaliya.

Hore waxaa go’aankaan u qaatay maamulada Soomaali-land, Puntland, Hirshabeelle, iyo Koonfur Galbeed waxaana haray Jubbaland oo kaliya Lamana oga Nuuca go’aanka ay qaadan doonto.