Uncategorized

Galmudug” Wali Abaarta SIMA way ka taagan tahay deegaanadeyna waxaana codsaneynaa Gurmad”

Cadaado-KNN-Mahad Maxamuud Cali Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Arrimaha Bani’aadanimada maamulka Galmudug ayaa sheegay in wali Abaarta loogu magac daray SIMA ay ka taagan tahay deegaano ka mid ah Galmudug taas oo saameyn balaaran ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Wasiirka ayaa sheegay in aysan Galmudug waxbo ka qaban karin dhibaatada Abaarta Islamarkaana ay baaq Caalami ah u direyso Dowladda Dhexe ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

“Wali saameynta Abaarta way ka taagan tahay deegaanadeyna, dad ayaa maalin walba u dhinta xoolana way dhamaadeen waxaan ka codsaneynaa D.F.S. iyo Beesha Caalamka in ay Gurmad nala soo gaaraan” ayuu yiri Wasiirka Arimaha Gar-gaarka Galmudug Mahad Maxamuud Cali.

Hadalka ka soo baxay Galmudug ayaa ku soo beegmaya iyadoo Shalay deegaanka Ceel-dheere oo u dhaxeeya Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceyl uu isku dal-dalay Cabdi Yare Dhoodaan Maxamed Guuleed oo ahaa nin ku xoolo beelay Abaarta dalka ka jirta.

Cabdi yare oo la sheegay in Xanuun dhimirka ah ku dhacay kadib markii ay Xoolaha ka dhamaadeen ayaa isku dal-dalay Ceel-dheere waxa uuna ku noolaa degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan isagoo ku sii jeeday Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta gobalka Galgaduud.