Uncategorized

Galmudug”Waxaan Puntland ka difaaceyna Shacabka ay ku dileyso Bariga Mudug.

Gaalkacyo-KNN-Taliyaha Gobalka Mudug ee Maamulka Galmudug Hasan Faarax Kaarshe oo wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan Puntland ay weeraro toos ah ay ku soo qaadeen Shacab xoolo dhaqato ah oo ku nool Bariga Gobalka Mudug kuwaas oo ka soo jeeda deegaanada Galmudug.

Taliyaha ayaa sheegay in Ciidankaasi ay dad Shacab ah ku dileen shalay Bariga Mudug Gaar ahaan deegaanka Godod taasna aysan Galmudug u dul- qaadan doonin.

“Puntland waxay soo qaatay weerar cad oo xoolo dhaqato lagu dilay waan u dulqaadan weynay waxaana Ciidamo u direen Bariga Mudug si aan u difaacno Shacabkeyna” ayuu yiri Taliye Kaarshe.

Taliyaha ayaa sidoo kale Puntland ku eedeeyay in Maamulkooda uu diiday in ay shaqo galaan Ciidamadii dhawaan loo sameeyay Amaanka Gaalkacyo iyo dhamaan Xadduudaha ay wadaagaan Galmudug iyo Puntland sidaas darteedna Galmudug ka bari tahay dagaalka socdo.

Dhinaca kale xariiro aan la sameynay Saraakiisha amaanka Puntland si aan wax uga weydiino eedeymaha loo soo jeediyay ayaa noo suurta gali weysay in aan helno.

Ma jirto cid ka madax-banaan Galmudug oo KNN u xaqiijisay Xaalada dhabta ah ee ka jirto Goobaha lagu dagaalamayo ee Bariga Gobalka Mudug.