Uncategorized

Ganacsade caan ah oo lagu dilay Laascaanood.

Laascood-KNN-Alle ha u naxariistee waxaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool xalay lagu dilay ganacsade magaalada iyo guud ahaan gobalka caan ka ah.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabaa Maxamed Cabdi Timir Shire waxaana carwo uu ku lahaa magaalada xalay fiidkii hore ku dilay dareeska Ciidanka Milatariga oo ka koobnaa laba qof oo ku hubeysan qoriga AK47.

Goob joogayaal ayaa KNN u sheegay in ragii dilka fuliyay ay goobta ka baxsadeyn waxaana la sheegayaa in uu salka ku haayo aanooyin qabiil.

Masuuliyiinta magaalada Laascaanood ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in dilkaan uu daba joogo dagaal beeleed dhawaan ka dhacay duleedka magaalada kaas oo ay ku dhintayn ugu yaraan 3 qof.