Somali News

Ganacsada Qatar oo dalbatay in la sameeyo shirkado ka shaqeeya xiriirka ganacsi ee Somaaliya iyo Qatar

 Muqdisho-KNN-Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda Soomaaliya,Sadiiq Xirsi Warfaa oo toddobaadkan safar ku tagay dalka Qatar ayaa ugu yeeray maal-gashadayaasha Qatar in ay sahmiyaan fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, kaddib kulan uu magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar uu kula qaatay guddoomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Qatar.

Kulanka ayaa sida la sheegay waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo sida ay xukuumadda iyo maal-gashadayaasha Qatar ay door muuqda ugu yeelan lahaayeen jawiga maalgashi ee Soomaaliya,waxaana kulamadaas goobjoog ka ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar,Cabdirisaaq Faarax Cali.

Guddoomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Qatar, ninka lagu magacaabo Maxamed bin Axmed ayaa dhankiisa sheegay in shirakaddaha gaarka loo leeyahay ee dalka Qatar ay danaynayaan in la xoojiyo iskaashiga ganacsi labada dal iyo in la aas-aaso iskaashi shirkaddo ka dhaxeeya labada dal, kuwaas oo uu sheegay in ay dan u yihiin labada dhinac.