Somali News

Ganacsade caan ahaa oo lagu dilay Kismaayo

Kismaayo-KNN-Waxaa goor dhaw magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose lagu dilay ganacsade caan ka ahaa magaaladaas oo lagu magacaabi jiray Cabdullahi Shigshigoow.

Ganacsade Cabdullahi Shigshigow ayaa ahaa maamulihii shirkadda Amal ee magaalada Kismaayo, waxaana toogatay koox aan weli heybtooda la garan.

Xaafadda Calanley ee magaalada Kismaayo ayaa lagu dhex dilay marxuumka, waxaana goobta isaga baxsaday ragii dilay oo ku hubeysnaa bastoolado.