Uncategorized

Ganacsade caawa lagu dilay degmada Xamar weyne ee G/Banaadir.

Muqdisho-KNN- Kooxo ku hubeysnaa bistoolado ayaa caawa waxaa ay degmada Xamar weyne ee G/Banaadir waxaa ay ku dileen mid kamid ahaa raga ganacsatada ah ee degmadaasi oo lagu magacaabi jiray Muuse Mackoow.

dilka ayaa waxaa uu ka dhacay xaafada kootka ee degmada Xamar weyne  waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in dhalinyaro ku hubeysan bistoolado ay ku dileen ganacsadaha kadibna ay iskaga baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay waxaana Muuse Mackow uu kamid ahaa ganacsatada qudaarta ee degmada xamar weyne.

ma jiro ilaa iyo  hada mas’uul ka tirsan maamulka degmada Xamar weyne oo ka hadlay dilka loo geystay ganacsadaha.