Muqdisho-KNN-Koox hubeysan ayaa Saakay waxaa ay Ganacsade ku dileen isgooska Ex-koontorool Afgooye ee Magalada Muqdisho.
Ninka la dilay ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa Ganacsade soo dejiya Gawaarida,waxaana lagu Magacaabi jiray Cabdi Cismaan Afrax (Cabdi Biifane)
Dadka Deegaanka ayaa KNN u sheegay in koox ku hubeysan bistoolad ay Ganacsadaha uga tageen hoygiisa oo ku yaalla meel u dhow Isgooska Ex-koontorool Afgooye , iyagoona kadib rasaas badan ku riday, waxaana la tilmaamay in goobta uu ku dhintay.
Sidoo kale Warar kale ayaa sheeagaya in kooxda hubeysan ay rasaas ku fureen Gabar uu dhalay Ninka la dilay, iyadoona dhaawaca Gabadha la geeyay mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho.
Kooxda dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday, iyadoona halka uu dilka ka dhacay ay gaareen ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Booliska Soomaaliya.


