Somali News

Ganacsade soomaali ah oo lagu dilay Koofur Afrika

Muqdisho-KNN-Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa ay Gudaha dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ku ganacsada dalkaas, xilli uu ku jiray howshiisa caadiga ah ee Shaqo.
Allaha u naxariistee waxaa xalay dalka Koofur Afrika lagu dilay Muwaaddin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaalida ee dalkaas.
Koox Hubeysan ayaa waxaa ay dil u geysteen C/Jabaar Cabdullahi Jimcaale oo ka mid ahaa Soomaalida ku ganacsada Dalka Koofur Afrika, waxaana C/Jabaar lagu dilay tuulo hoostagta Magaalada Johannesburg.
Dalka Koonfur Afrika ayaa sanadkan 2019 waxaa kusoo kordhay dilalka loo geysanayo Soomaalida ku Ganacsata,waxaana Bilihii la soo dhaafay Gudaha dalka Koonfur Afrika lagu dilay Muwaadin Soomaliyeed oo Ganacsi ahaan u tegay dalkaas.