Muqdisho-KNN-Koox hubeysan ayaa waxaa ay xalay qof Ganacsade ah ku dileen deegaanka Ceelasha Biyaha ee Gobalka Shabeellada Hoose.
Marxuumka la dilay ayaa waxaa uu ahaa Madixii ganacsatada Liinta, waxaa lagu magacaabi jiray Cali Bashiir, iyadoo dhalinyaro ku hubeysan Bistoolado ay ka toogteen qeybaha sare ee jirka, isagoo isla goobta ku geeriyooday, sida ay goobjoogayaal u sheegeen KNN.
Kooxda dilka geysatay ayaa waxaa la sheegay in ay goonbta ka baxsadeen, iyadoona halkaasi ay baaritaano ka sameeyeen ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya.
Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka deegaanka Ceelasha Biyaha, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan dilkii ka dhacay deegaankaasi.