Boosaaso-KNN-Sagaalkii bishii Febraayo ee sanadkaan ayey aheed markii Waaxda la socodka Lacagaha ee Mareykanka ay xayiraad ku soo rogeen Ganacso Soomaaliyeed kuwaas oo lagu eedeeyay in ay taageero lacageed siiyaan Kooxda Daacish.
Ganacsatadaas waxaa ka mid ah Maxamed Mire Soodareeri oo ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland.
Magaalada Boosaaso ayaa waxaa lagu qabtay kulan looga soo horjeeda eedeemaha loo soo jeediyay Ganacsade Maxamed Mire Soodareeri kulankaas waxaa ka soo qeyb galay maamulka gobolka Bari, Ganacsato, waxgarad, Nabadooniin, Siyaasiyiin, Dhalinyaro, Aqoonyahano iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Magaalada Boosaaso.
Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in aysan jirin sabab dambi loogu yeelo muwaadin Soomaaliyeed oo dambi lahayn, islamarkaan lala xariiriyo Koox Argagaxiso ah.
Gudoomiyaha Gobolka Bari ayaa sidoo kale sheegay in maamulka Puntland ay ka qaateen kaalintii kaga aadaneed arintaasi, isla markaana warqad ay ugudbiyeen waaxda la socodka lacagaha ee Mareykanka.
Sidoo kale dhamaan xubnihii ka soo qeyb galay kulankaan ayaa ka soo horjeestay hadlka ka soo yeeray Waaxda la socodla lacagha ee Mareykanka waxa ayna sheegeen in uu gaf ku yahay Waaxda eedeenta ay u soo jeediyeen qaar ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee ay la xariiriyeen Dambiyo aysan ku lug laheen.